Waa nasiib in isaga la helay

Maalin sabti ah mar aan ahaa shan-lix sano jir waxaa cararay walaalkey Toffe.
Waxaa mararka qaarkood dhaceysay in uu isagoon sheegin miriq iska dhihi jiryay.
Si lama filaan ah ayey hooyo u taagneyd beerta.
Aniga iyo wiilasha deriska oo sanduuqa carruurta ku ciyaareyna ayey na joojisay.
– Toffe ma idinla joogaa?, ayey weydiisay.
Marka hore indheheyga ayaa indheheeda ku dhacay, dabadeedna madaxa ayaan ruxay.
Si degdeg ah ayaan dhinacyada ugu eegay wiilasha kale oo si taxaddir leh kor ugu eegay qasriga bacaadka iyo baarbuurta alaab alaabeyda.
Markii ay mar kale i fiirisay, hoos ayaan si xishood leh bacaadka indhaha ugu dhuftay, waxaanna ku jawaabay anigoo in yar sugay ''halkan ayuu in yar ka hor joogyay''.
Welwelki ayaa wejiga hooyo ka biday.
Dhawr tallaabood oo degdeg ah ayey albaabka xaggiisa u qaadday si ay abaartamiintada uga eegto isaga.
Waxaa dabcan dhici karta in uu gudaha galay.
Si degdeg ah ayey mar kale u soo laabatay.
Aabbana sidoo kale halkaas ayuu joogay.
Waxay billaabeen in ay magaciisa ku naadiyaan, ayna beerta ku wareegaan iyagoo raadinaya.
Deriska kale, carruur iyo dad waaweyba, waxay ku soo biireen raadinta.
Xitaa anigu waxaan billaabay in aan naadiyo oo aan raadiyo.
Ka fikir haddii aanan helin isaga, haddii uu maqanyahay oo uusan soo laaban?
Waxay ahayd in aan si fiican uga war hayo, ayaan ku fikiray.
Welwel ayaa caloosha iga galay, kor ayaanna annu u naadinayay.
Isla mar ahaantaas waxaan billaabay in aan maskaxda wax ka sawirto.
Haddii uu dhunyay, sidee ay noloshu markaas noqo kartaa?
Waxaan si lama filaan ah u noqon lahaa canugga keliya – maxay waaliddiintey waqti aad u badan ii heli lahaayeen.
Laakiin dhammaan sidoo kale waxaa dabcan la noqon lahaa dad murugeysan, taasi dabcan ma fiicna.
– Toffe!
Waan naadiyay oo waan naadiyay.
Waxaan iska tuuray fikradihi mamnuuca ahaa, beddel ahaanna kor ayaan u naadiyay, halkaas oo aan aabbehey u dhawaaday, aanna raadiyay.
Wuxuu ku fadhiyay dhagax qeybta juqda dhex yiillay oo aad ugu dhawaa guryaha dhaadheer ee aannu degganeyn.
– Abidkaa marnaba ha bixin adiga oo aan marka hore sheegin, ayey hooyadu ku cabatay, habna wey siisay.
Toffe wuxuu u muuqday sida calaamatu su'aal, dabcan ma uu ogeyn in uu ahaa qof maqan.
Aniga naftirkeygu waan ag taagnaa halkaas, waxaan fiirinayay Toffe iyo waalidkey, mana ku dhiirran in aan ka warramo wixii aan ku fikirayay.
– Maxaa na nasiib ah in aannu isaga helnay, ayaan dhahay iyadoo aysan qofi dhab ahaan i dhegeysaneyn.
Culeys ayaa iiga degay in dib loo helay isaga, si ahaanna waan ku farxay in uu soo noqday.
Laakiin sidoo kale waxaan fahmay in ay ahayd wax aan laga fogaan karin, nolosheenna qoysku waxay ku sii socon lahayd in ay ku wareegto Toffe iyo baahidiisa.

/Frank, iminka 41 sano, wuxuu ka sheekeynayaa xasuus ka timid markii uu 5 sano jirka ahaa.
Frank waa Toffe walaalkiis yar oo qaba Downs Syndrom, oo intii uu korayay dhawr jeer cararay.

Snackeboda. Bild på en "prata"

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson