Mas'uuliyadda waalaalka weyn

Ka dad ahaan aniga iyo Joel waannu kala duwannahay.
Wuxuu ka helaa in uu wax hoggaamiyo, halka aan ka helo in aan wax raaco.
Wuxuu u baahanyahay in uu wax qorsheeyo, aniguna waxaan doorbidaa qorsheyn la'aanta.
Wuxuu ku noolyahay mustaqbalka, andiguna waxaan badanaa ku fikiraa wixii la soo dhaafay.
Laakin waa sidee markaa?
Haa, in la ahaado Joel walaashiisa yar?
Su'aashan waa ley weydiinayay nolosheyda oo dhan.
Ma aanan ahayn qof sidaas u sii weyn markii aan fahmay in qofka i weydiinayay uusan ula jeedin sida ay tahay in la ahaado Joel walaashiisa yar ee uu ula jeedyay walaalka yar, Joel, iyo jiha wareerka muraqaha qaba.
Sidaas awgeed xitaa haddii aan ogahay in qofka weydiinaya uu jawaab doonayo iyadoo ka duulaya nuuc door dhibbanenimo ah waxaan mar walba dooranayay in aan si gaaban uga jawaabo:
"Wey fiicantahay!
Wuxuu mararka qaarkood noqon karaa qoolley marka uu mar walba dooranayo muusikada aannu dhegeysaneyno.
Laakiin caadi ahaan waan dooran karaa filin, marka arrinku wuu degganyahay''.
Laakiin waa wax iska cad in aysan mar walba wax fududeyn.
Xitaa haddii aan isku dayo in aan indhaha ka laabto markaa lagama fakan karo in qoyskeygu uusan sida kuwa kale ahayn.
Abidkiisna uusan taa noqoneyn.
Waxa ugu dhibka badan dabcan waa in aan abidkey mudnaan la-i-siin.
Maaha wax iskaa iyo haddii aad doontid ah oo cid qoyska ka mid ah ay dooratay, waa in ay sidaas wax noqdaan oo keliya, waana fahmayaa taas.
Waxaa caalamka la ii dhalay in aan ahaado walaal yar in kasta oo aan leeyahay mas'uuliyad weyn oo walaaleed.
Waxaan u arkaa in aan caalamkan la imid mas'uuliyad aad u muhiim ah.
Wax aysan cid kasta ka bixi kari lahayn laakiin waxaan ku qanacsanahay in aan ka bixi karo.

/Miriam Ennefors, 18 sano, Joel walaashiis yar
Wax laga soo saaray buugga Dabcan sida ay wax yihiin waad ka sheegi kartaa, Christina Renlud, soo saare)

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson