Dadku indhaha ayey magaalada kugula taagayaan

Maalin ayaan hooyo iyo aabbe magaalada la dhex marayay.
Markaas dadka oo dhan wey i eegayeen, waxaanna u arkay in aan ahay qof aan la xamili karin.
Waxaan noqday qof murugeysan.
Waxaan weydiiyay hooyo iyo aabbe:
"Maxay dadka oo dhan ii eegayaan?".
Waxay ii sharraxeen in dadku ay hubaal ahaan eegayeen kursigeyga naafada.
– Waxa keliya ee aad sameyn kartid waa in aad taa is moogeysiisid.
Dadku mar walba wey ku eegi doonaan, laga yaabeena inay is weydiinanyaan sababta aad kursi cuuryaan ugu fadhidid.
Taasi kama dhigna dabcan in ay wax kaa qaldanyihiin, ayey dhaheen.
Markaas waxaan dareemey si aad uga wanaagsan sidoo hore.
Haddii aanan hooyo iyo aabbe wax ku dhihi lahayn hubaal ahaan waxaan sii ahaan lahaa qof murugeysan.

/Fabian, 10 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson