Viktor wuu ku dhiirranayaa in uu weydiiyo

Martin walaalkiisa yar wuu xanuunsanyahay, dhakhsina wuu u dhiman doonaa.
Laakiin cidna kama warrameyso waxa xun.
Martin murugada waa ku kaligii.
Laakiin waxaa jira saaxib, Viktor, soo ku dhiirranaya.
''Sidee uu dhab ahaan xaalku yahay, ayuu Viktor weydiinayaa.
Macnaha xaalka walaalkaa.
– Wuu fiicanyahay, ayuu Martin leeyahay.
Viktor dhawr dhagax ayuu biyaha ku tuurayaa.
– Macnaha dhab miyaa.
Aad buu u xanuunsanyahay sow maaha?
Mid ka mid ah kooxdeydeyda baandiga wuxuu qabaa gabar walaal ah oo yar oo walaalkey fasalka la dhigata.
Waxay sheegeysaa in walaalku uu had iyo jeerba ka maqanyahay dugsiga.
– Taas iyada waxba kama gelin.
Andreas dabcan wuu joogaa dugsiga.
Viktor wuu aamusay.
Sidaas oo ay tahay ilaa heer waa geesi.
Ma jiraan dad badan oo ku dhiirran lahaa in ay taas wax ka weydiiyaan Martin.
Isagu wuu ka helaa Viktor.
Maaha in uu si gaar ah u caqli badanyahay, laakiin waa in uu ku dhiirranayo in uu weydiiyo sida ay dhab ahaan wax yihiin.
Maxaa yeelay ma sameynayo sida kuwa kale oo iskama dhigayo sida in aysan wax jirin.
Sida in ay wuxu meesha ka baxayaan haddii aan iyaga laga hadlin.
– Marki aniga iyo Andreas aan yar-yareyn waxaa caado inoo ahayd in aan halkan soo aadno xilliga xagaaga marka ay dabeyshu jirto.
Waxaannu ku boodi jirnay sagxad siman oo xeebta agteeda sidaas awgeed wey jiqiiqeysay.
Wax yar ka hor inta uusan barafku dhalaalin.
– Mm.
– Malaha waxaa ka dhiman afar bilood.
Iminka waa Diseembar.
Kow, labo, seddax, afar.
– Abriil haddaba, ayuu Viktor leeyahay.
Martin wuu rogmayaa, wuxuuna qaadayaa dhagax weyn.
Wuxuu ku miisamaayaa gacanta inta uusan tuurin.
Wuxuu barafka ugu dhacayaa sida xabbad madfac ah oo kale.
– Abriil waa khasab ah in ay tahay bil ay aad u xuntahay in la dhinto, ayuu leeyahay.
Dabcan waa markaas marka ay wax walba billaabanayaan.''

(Wax laga soo saaray buugga:
Jiilaal iyo cir dhexdooda oo ay qortay Elin Bengtsson, la soo saara 2013 ay soo saartay Natur iyo Kultur)

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson