Murugadu maaha wax khatar ah

Markii aan 11 sano jir ahaa waxaan yeeshay walaalo mantaano ah oo gabdho ah.
Waxaa iyaga la kala dhahaa Liv iyo Nadja, maantana waa 30 sano jirro.
Waxay dhasheen toddoba usbuuc waqtigoodi ka hor
intii ay dhalanayeenna waxaa Nadja ku dhacay gabaabsi xagga nakhaska ah.
Maanta Nadja waa indhoole, ma hadli karto mana sameyn karto wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ogaal u leedahay.
Waxay deggantahay meel 80 miil noo jirta annaga inteenna kale.
Aad baa loo jecelyahay, badanaana waa la soo booqdaa.
Carruurtu waxay sameeyaan sida waalidku sameeyo.
Waaliddiinteyduna ma dooneyn in ay muujiyaan murugadooda iyo sida ay nooga welwelsanyihiin.
Si fiican ayaa looga fikiray, maxaannu u sii qaadan karnaa?
Haa, waan ogahay iminka.
Haddii aan arki lahaa iyagoo ooyaya caalamkeygu wuu ruxmi lahaa.
Hal il biriqsi.
Laakiin waxaan sidoo kale arki lahaa iyagoo illin tiraya.
Si qoto dheer u neefso, mashiinka alaab dhaqidda alaabta ka saar, kaffeyna noo saar.
Ku qosol dhool caddeynta Liv ee janjeerta, dhunko dhafoorka kuusan ee Nadja.
Tusi in murugadu ay dhinac oolli karto.
In aysan khatar ahayn.
Waxay igu qaadatay 20 sano in ay OK tahay in laga murugoodo wixii dhacay.
In laga yaabee xitaa illintu ay leedahay qiimeheeda gaarka ah.
Nadja abidkeed ma caafimaadeyso.
Laakiin annaga hareera joogna waa in aannu niyadda u dhisnaa oo aannu jeclaannaa.

Siri, 42 sano, Nadja iyo Liv walaashood
Wax laga soo saaray buugga Dabcan sida ay wax yihiin waad ka sheegi kartaa Siri Ambjörnsson, Christina Renlud, soo saare)

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson