Wiilku wuxuu doonayaa oo keliya dhiirri gelin

Waxaannu u tagnay oo aannu soo salaannay awoowe aabbe dhalay oo duq ah oo isbitaal ku jira.
Annaga dadka waaweyn ah ayaa ka hadalnay sidi uu ahaa, awowga aabbe dhalayna wuxuu u aragyay in waqti dhaw ay noloshiisu dhammaaneyso.
Ali aadbuu uga helaa awoowihiis aabbe dhalay oo mar walba meel kalsooni ah uga jiray nolosha Cali.
Markii awoowe aabbe dhalay laga soo socday Cali si aan caadi ahayn ayuu u aamusnaa.
Markii aannu guriga nimid waxaan ka caawiyay in uu sariirta fuulo, waxay dabcan qaadaneysaa waqti lafa toosin, bantaajada taageerada iyo waxa kale.
In yar ayaan waxyaabo kala duduwan ka hadlay laakiin wuxuu iigu jawaabay oo keliya hadal gaa-gaaban oo aan la kala fahmi karin.
Markaas sariirta dhexdeeda ayuu Cali billaabay in uu ooyo, wuxuuna sheegay in uu aad uga baqayo in awoowe aabbe dhalay uu dhinto .
Waxaan isku dayay in aan qalbiga u dhiso, oo aan wax ka khafiifiyo, waxaanna u sheegay in uusan awoowe aad u xanuunsaneyn, laakiin uu duq yahay, daallanyahane.
Uma baahnin in aad murugootid, aadna cabsatid...
Meel fog ma aanan gaarin intii uusan Cali qarxin:
– Ha dhihin in aysan waxba ahayn in la murugoodo marka aan murugoonayo.
Waa in aad i dhegeysataa, aadna dhahdaa in aad fahmeysid in aad murugeysanahay, i dhiirri geli, ina caawi.
Ha dhihin in ay sidaas wax yihiin, ha iga hor imaannin.
Waxay keentay dhab ahaan in aan dib u fikiro.
Sideen canuggeyga ugala hadlaa in la murugeysnaado, lana cabsado?
In ay ii tahay wax aad u cabsi badan in aan ka fikiro in aabbahey uu dhimanayo iyo in aan sidaas darteed doonayo in aan yara yareeyo?
Dabcan waa OK in la niyad jabsanaado.
Annaga dadkeenna waaweyn taasi wey nagu adagtahay – waxaa dabcan la doonayaa in qofka canuggiisu uu kalsooni dareemo.
Waxaannu markaas ka dib geeska sariirta ku qaadannay il biriqsiyo wanaagsan oo sheeko ah.

/Cali aabbehiis, 9 sano

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson