Fiir-fiirin dhib badan

Wey adagtahay eegitaannada waaliddiinta kale ee u arka in canuggeennu uu dhib badanyahay iyo in aannu u muuqanno kuwo gacmo debacsan oo aan ka hor imaaneyn waxa ay carruurtoodu sameynayaan.
Haddii aan canuggeyga ku caroodo waxaa saameynaya dareenkeyga, markaasna maalinta inta ka harsan oo dhan waxay noqoneysaa muusibo weyn.
Sidaas darteed ayaan isku dayayaa in aan Oskar weeciyo.
Isla mar ahaantaasna dabcan waa wax aad u dhib badan marka aanan ogayn haddii ay sababtu tahay naafanimada ama dhibitaanka carruurta ee ''caadiga ah'' iyo rabitaanka oo ilbiriqyadaas saameynaya.
Maadaama aan dibadda laga arkeynin in uu maareyn gaar ah u baahanyahay wey adagtahay in sidaas dadka waaweyn ay kuu eeg-eegaan laakiin sidoo kale carruurta kale faallooyinkooda.
Mararka qaarkood waxaan doonayaa in aan cudurkiisa foolka canugga ku qoro ama aan soo daabaco – OOTIISIM AYUU QABAA ee joojiya si xun u dayidda! – marka uu qeylinayo uu dhulka isku tuurayo
Dabcan sidaas ma sameynayo ee gadaal ayaan Oskar kala hadlayaa marka aan xiriir mar kale wada yeelanno oo aan labadeennuba xasilno.
Xitaa haddii ay badanaa dhacdo in aannu dabeecadda luminno oo aannu mar kale dagaal iskula soo noqonno, markaa wey fiicantahay in waxa lala wareersanyahay leyska saaro.
Mararka qaarkood waxaa loo baahanyahay oo keliya in isla sida dadka kale nakhaska leysaga saaro .
Dabadeed mar kale ayaan dib u billaabaneynaa.

/Oskar hooyadiis, 10 sano

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson