Waddanka aada

Galab ayey hooyo iyo aabbe sheegeen in aannu fasax usbuuca waddanki aadeyno.
Aad baan u farxay.
Waxaa horteyda ka muuqatay sidi aan ilma adeertey ula ciyaari lahaa.
Marki aan guriga imiday oo aan dugsiga ka imiday maalintii xigtay oo jimco ahayd waxay markaas dhaheen:
– Iminka waa in aad dhakhsataa.
Wax kasta oo aad rabtay in aad qaadatid ma urursatay?
Waqti dhaw waa la baxayaa.
Maxaad ula jeeddaan alaab ma urursatay, iminka miyaannu baxeynaa?
Waxaan dareemay in aan wareersanahay, waxaan noqday qof murugeysan, careysanna.
Wax walba madaxeyga ayey ku wareegayeen.
Iminka ma bixi karo.
Waa in aan marka hore nastaa.
Taas waad ogtihiin dabcan.
Waa maxay sababta aadan waxa iigu sharrixi karina si aan u fahmo.
Waxaad ilaawsantihiin in aanan la socon karin marka ay wax walba dhakhsi u dhacayaan, ayaan ku fikiray.
– Wax kama gaaro, ayaan cod ooyinu ku jirto ku dhahay.
Hooyo iyo aabbe waxay marka hore noqdeen kuwo gebi ahaanba amakaagsan.
Laakiin dabadeed raallinimo ayey i weydiisteen maadaama aysan si fiican wax iigu sharraxin.
Wey ogyihiin in ay igu adagtahay in aan fahmo waxyaabaha qaar.
Sida tusaale ahaan waxa ay "ilaa iyo fasax usbuucu" ka dhigantahay.
– Maxay fiicantahay in aad saas sheegtay, waa in aannu ku fiicnaanno in aannu wax kuu sharraxno.
Waa in aannu hubinno in aad fahamtay waxa aan waxa ula jeedno.
Waxaannu isku dayeynaa in aannu soo fiicnaanno.
Iminka in yar naso, dabadeed waxaannu iska kaashaneynaa in aannu wax xirxirno, markaasna waxaannu waddanka aadeynaa marka aad diyaar noqotid, ayey igu dhaheen.

/Anna, 12 sano

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson