Taas waan ka soo bixi lahaa

Waxay ahayd galab xagaa ah, laga yaabee 5-6 sano ka hor.
Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd billawgii markii uu kaadi macaanku igu dhacayay.
Markaas is fahmid la'aan yar ayaa aniga iyo hooyadey naga dhex taagneyd.
Dabcan aniga ayey iga welwelsaneyd.
Isla mar ahaanta aan doonayay in aan noqdo sida qofka ugu caadi ah ee suurta gal ah.
Waxaan doonayay in aan dibadda u baxo oo aan saaxibbadey ula jiro sidii aan horay u sameyn jiray.
Is reeb-reebka kubbadda cagta ee meesha aan degganahay ka dhacayay, waxaannu caadi ahaan degi jirnay mid ka mid ah doqoshyada saaxibbayaashey.
Caadi ahaan mar walba habeenka oo dhan ayaannu soo jeedi jirnay, waxaannuna seexan jirnay ku dhawaad:
5 subaxnimo.
Dabadeed marki uu kaadi macaanku igu dhacyay taasi ma ay suurta gelin.
Hooyo aadbey u welwelsaneyd, fiidki oo dhan iyo waxaas waan joogi karay halkaas, laakiin meesha kuma hoyan jirin.
Waxaan ku khasbanaa in aan guriga aado oo aan seexdo.
Dabadeed subaxdi ayaan u soo laaban karay:
7 subaxnimo inta aysan saaxiibadu kicin waana la seexan jiray iyaga.
Dabcan wax isku mid ah ma ay ahayn.
Waxaa dabcan taas keenay kaadi macaankeyga.
Sidii aan abidkey sameyn jiray oo kale kuma aanan baryi jirin meesha.
Waxaan rejeynayay in ay hooyo ii oggolaato in aan tuso in aan taas ka soo bixi karo.
In aan meelo aadi karo, oo aan caddeyn tusi karo in aan dhab ahaan mas'uuliyad qaadi karo, in aan is debbaray.
Waan ogahay in aan taas ka soo bixi karay.
In aan tusiyay in ay fiicneyd markan, in aan wax fiican sameeyay.

/Rebecka, 18 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson