Qalliin ka baqid

Markii marki ugu horreysay qalliinka leygu sameynayay waxaan ahaa neerafoose.
Ilaa heer waan yaraa, 6 sano ayaan u maleynayaa in aan ahaa.
Markaas ka hor abidkey qalliin leyguma sameyn.
Waxaan qabay su'aalo aad u fara badan oo ku aaddan waxa dhici doona.
Waxaan inta ugu badan ka baqayay in lay suuxiyo.
Ka fikir haddii aanan mar kale soo kici lahayn?
Dhakhaatiirtu aadbey u fiicnaayeen, wey i dhegeysteen, waaney ka jawaabeen dhammaan su'aaleheygi.
Waxay i tuseen, kana sheekeeyeen waxa dhab ahaan dhacaya marka la isi suuxiyo.
Waxaan dareemayay kalsooni.
In yar ayaan welwelsanaa.
Dhakhtarad ayaa ila fadhiistay.
Waxay soo saartay sawirro ku aaddan sida ay wax u muuqdaan marka qalliinka leysku sameynayo.
Markaas waan fahmay sida ay wax u dhaci doonaan.
Qalliinka ka hor iyo dhammaan qalliinyadi ka dambeeyay waxaan dareemay
degganaasho.

/Habiba, 12 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson