Lisa iyo jaakadda

Lisa iyo Ida waxay dhigtaan dugsi.
Waxay aadayaan biririf, wey socdaan, weyna hadlayaan.
Lisa ma helin jaakaddeedi, Idana wey qosleysaa.
Markaas Lisa waxay fahmeysaa in ay jaakaddi soo illawday.
Lisa wey carooneysaa, waaney murugooneysaa, waxayna Ida kula qeylineysaa in ay jaakadda u soo celiso.
Ida jaakadda ayey u soo celineysaa, raalli gelinna wey siineysaa.
Laakiin Lisa weli wey murugeysantahay, mana dooneyso in ay raalli gelinta aqbasho waqtigaas isaga ah.
Xoogaa dugsiga ka bacdi, markii ay Lisa guriga timid:
Waxay hooyo dareemeysaa in ay wax khaldanyihiin.
– Maanta ma waxbaa dugsiga ka dhacay?
– Haa, Ida ayaa jaakaddeyda qarisay sidaa awgeed waan carooday, waana ka xumaaday.
Hooyo wey carootay waxayna wacday Ida aabbaheed.
– Waa ku salaamay, waa Karl.
– Waa kaa qaaday, waa Lisa hooyadeed.
Ida waxay maanta dugsiga ku qarisay jaakadda Lisa, Lisana aadbey taas uga murgeysantahay.
– Ooow, maaheyn wax fiican.
Waan la hadli doonaa Ida.
– Taas Lisa waan u sheegi doonaa.
Maalinti dugsiga ka bacdi.
Lisa iyo Ida waxay ku kulmeen beerta dugsiga.
Ida raalli ahaaw ayey leedahay, waxay weydiineysaa in ay mar kale saaxibbo noqon karaan.
Lisa waxay leedahay saaxibbo mar kale waan noqon karnaa haddii ay Ida ballan qaadeyso in aysan abidkeed jaakaddeeda qarineyn.
Ida wey ballan qaadeysaa.

'Alice, 13 sano

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson