Waxaan doonayaa in aan noqdo sida suuf

Waxaa jira adeyg xagga nolosha ah oo ka dhigan in ay khasab tahay in uu qofku gubto si uu u barto waxa kulul, uu is dilo si uu u garto waxa uu ka fogaanayo iyo in uu dhaawacmo si uu u barto in uu horay uga sii socdo.
Taasi dhammaanteen waa na khuseysaa, laakin adi ahaan safarku si dheeri ah ayuu u dhib badanyahay.
Waxaan ku arkaa adiga oo taas sameyneysid, aadbeyna taasi ii murjineysaa.
Haddii aan wax go'aamin karo ogaanshada dadka waaweyn iyo waxa caqli galka ka in wax la ogaado waxaan ka soo qaadi lahaa waxba kama jiraan.
Waxaan jeclaan lahaa sida suuf mar walba kugu hareereysan.
Maaha sida qob – maxaa yeelay qobku wuxuu waxa ka xayiraa in ay si xur ah u dhaqaaqaan.
Laakin waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo wax sankaaga lagu dhuuqi karo oo madaxaaga codka ka saari kara.
Waxaan jeclaan lahaa in aan ku hor socdo, aan waddada kuu xaaro oo aan kuwaas aan xafladda aad dooneysid in aad tagtid kugu casuumeynin in halkan uu imaanayo ninka aadka u fiican ee mr. David, wiilka aadka ugu xiisaha badan ee abid xaflad laga heli karo, oo ay tahay in dadka oo dhan ay wada casuumaan oo keliya.
Waxaan jeclaan lahaa in aan madaxaaga ku jiro iyo in aan xarfaha oo dhan meel sax ah dhigo, si aad u ogaatid dhammaan waxyaabaha wan-wanaagsan ee uu qofku sameyn karo marka uu wax akhrin karo.
Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo dareen ah in aad wax tar leedihid iyo in aad si aad ah u fiicantihid, sida aad dareemi kartid dhammaan mararka aad ooyeysid iyadoo ay sababtu tahay in aadan fahmeynin.
Waxaan doonayaa in aan ammaanka habeenki noqdo, marka uu qarawgu kugu soo dego, si aan keliya u qabto oo aan daaqadda uga tuuro, aanna bacaad hurdo indhahaaga ku afuufo si aad mar kale ugu huruddid.
Waxaan jeclaan lahaa in aan kaa tuuro dhammaan qodxaha iyo in aan safarkaaga ka dhigo mid sabiix ah oo jilacsan oo aan lahayn keesahaas oo dhan.
Beddel ahaan waxaan sameynayaa waxa uu qofku baranayo, ku fikirayaa in ay khasab tahay in uu qofku is gubo, waa in uu qofku barto sida waxa adag loo maareeyo, waa in uu qofku la kulmaa dad aan baarri ahayn.
Weynaaday, caqli badan.
Laakiin ma doonayo.
Waxaan ku jeclahay ilaa iyo cirka.

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson