Ku dhiirro in aad wax weydiisid

Waxaan dareemayaa in laga yaabo in uu qofku si xad dhaaf ah wax u weydiinayo.
Maxaa dhacaya?
Dhakhtar ma u tagteen.
Maxay dhaheen?
Qofku aad buu uga baqayaa in uu faraha si uun uga istaago iyaga, waaliddiinta.
Cabsi in la noqdo qof aad u ilxaax badan.
Greta dhawr jeer ayaa qalliin lagu sameeyay.
Mar walbana waxaan dabcan ahay qof welwelsan oo sidoo kale doonaya in uu wax ogaado.
Laakiin maxaan sameeyaa?
Waxaan noolahay kaligey, mana heysto cid aan taas la falaanqeeyo. Malaha si xad dhaaf ah ayaan wax u weydiinayaa, maxaa yeelay dabcan marnaba waqti ma hayaan.
Haddii aan weydiiyo markaas wax badan ma sheegayaan ee beddel ahaan waxay leeyihiin waqtiga iminka ah waxaa jira waxyaabo aad u fara badan.
Waa in aan sameynaa waxaas iyo waxaas iyo waxaas.
Laakiin see wax lagu ogaan karaa haddii aan wax weydiinnin?
Dabcan waa in qofku uu wax ogaado.
Sidee wax la yeelayaa ayaan ka fikiray.
Billawgii aadbey wuxu u dhib badnaayeen.
Laakiin dabadeed talo ayaan ka helay qof ayeeyo canug cuuryaan ah u ahayd oo ogayd waxa ay ka dhigantahay in si toos ah gabadheyda wax loola abbaaro.
Markaas waan helay taa, toos ayaanna gabadheyda wax u weydiiyay.
Ma u maleysaa in aan aad u su'aalo badanahay?
Mase waa OK in aan wax weydiiyo?
Sidaas awgeedna waan ka warramay sidoo kale sababta aan wax u su'aalayo – in aan dabcan weylwelsanahay laakiin sababtoo ah waxaan doonayaa in aan wax fahmo si aan sidoo kale wax uga caawiyo oo aan taageero u noqdo.
Aad iyo aad ayaan u fiicnaaday.
Sidaas awgeed iminka waxaan noqon karnaa dad sidii hore ka furfuran oo si sidii hore ka toosan isula hadli kara.

/Nora, 68 sano, ayeeyada Greta

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson