Farqiga marka uu waqtigu soconayo

Waxay ku qaadatay waqti dheer iyagu in ay baaraan wixii ay gabadhu heysatay.
Waxay qaadatay waqti maxaa yeelay waxyaabo badan ayey dabcan meesha ka saareen.
Waxaa madaxa gadaal uga jirtay in ay wax jireen, taas waannu fahannay.
Laakiin dabadeed waa loo kala caddeeyay waxay ay wuxu ahaayeen – si fiican ayaan u xasuustaa halki aan taagnaa markii uu dhakhtarku taa yiri.
Taasina dabcan nolosha oo dhan ayey daba geddisay.
Wey ku adkaatay isaga, Siri aabbaheed – wiilkeenna.
Si fog ayuu horbaba isku hal mar ugu sii fikiray.
Wixii ugu horreeyay waxay ahaayeen ''ma qaadan kari doonto leysin gaari wadid''.
Waxaan isku dayay in aan si caqli gal ah u hadlo, waxaanna ku dhahay: ''sida aad iminka tihid sidaas ma ahaaneysid hal ama laba sano ka bacdi''.
Taasi dabcan wey muuqataa.
Laakiin sidaas oo ay tahay, tan ah in leys adkeeyo carruurtaada horteeda.
Qofku dabcan ma doonayo in uu iyaga hortooda iskula dhex yaaco.
Taas gadaal ayuu qofku dabcan guriga uga sameynayaa.
Ama marka qofka wiilkiisa – wiil weyn oo xoog badan – uu gurigeenna fadhiyo oo uu ooyayo.
Wey adagtahay.
Laakiin waxaa muhiim ah in la hubiyo in aan la noqon qof ciil hayo, in aan lagu dhegin fikirka ah maxay annaga gaar ahaan wuxu noogu dhaceen.
In taas lagu baraarugsanaado.
Laakiin waa in uu qofku isku dayo in uu noqdo qof caqli adeegsada oo taas sida ugu fiican ka dhiga, waqtiga ayaa muhiim ah.
Farqi ayaa jiraya marka uu waqtigu socdo.
Iminka waxaa dabcan la arkaa waxyaabo kale oo wanwanaagsan oo aan horay loo arki jirin.
Waxaannu dabcan noqonnay dad aad isugu tolan oo nolosha indho kale ku arkaya.

Dabadeedna – in dhool caddeyn laga keeno Sirida yar.

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson