Si wada jir ah ayey dhakhtarka ula joogaan

Waaliddiinteyda iyo xaaska aabbahey ama ninka hooyadey dhammaan wey soo gurmadeen sanadka gudihiisa si ay noo caawiyaan marka aan kaaliyayaal la hayn ama joogitaanka Agnes ee isbitaalku uu wax walba daba geddiyay.
Sida sidaas ah ayey xiriir dhaw oo aan caadi ahayn kula yeesheen carruurta carruurtoodu dhashay.
Laakiin waxay sidoo kale annaga nala yeesheen xiriir aad u dhaw oo aan caadi ahayn.
Waxbaannu wadaagnaa aad u xoog badan.
Jeceyl aannu u qabno Agnes iyo walaaleheed.
Laakiin sidoo kale fikrado iyo dareen ku aaddan sida ay nolosheennu noqotay.
Waxaan jeclaan lahaa haddii aannu ku dhiirran lahayn in aannu billawgii in badan iskala hadalno waxa dhibka badan ee adag.
Laakiin waxaa la dareemayay wax aan caadi ahayn.
Laga yaabee in ay sababtu tahay in ay waaliddiinta ku abuurantahay in ay xanuunka ka ilaaliyaan carruurtooda.
Iyo in carruurtu ay dooneyso in ay waalidkood ilaaliyaan.
Halka aannu caawimaad ku aaddan in aan horay uga sii soconno annaga oo la kulmeyna cilmi nafsiyahanno iyo waaliddiin kale oo xaalad teenna la mid ah ku jira ma ay jirin cid weydiisay Agnes abootayaasheed iyo abkow-yaasheed.
Waxaannu badanaa u aragnaa in aaney fahmin ama aaney awoodin in ay fahmaan xaaladda khatarteeda.
Sidaas darteed waxaannu iyaga ku casuunnay booqashada dhakhtarka ee Agnes.
Marki ay dabadeed wax u ogaadeen sida aannu annagu ka waalid ahaan wax u ognahay wey fududaaneysaa in aannu ka wada hadalno – wax walba.
Mar kasta oo aannu wada hadalka badinno, waa marka uu madmadowgu meesha ka baxayo, jeceylka Agnesna uu guuleysanayo.
Isla sida aan wacnaan u dareemeyno marka uu wacnaan dareemayso, ayaannu ku fikireynaa in ya wacnaan dareemayaan marka aannu wacnaan dareemeyno.

/Anna Pella, Agnes hooyadeed iyo qoraaga buugga Marka aad dhool caddeysid waqtigu wuu istaagayaa (Libris 2017)

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson