In walaal la dayaco

Waxaa ley dhahaa Maritha, waxaanna ahay Milla hooyadeed ee neefta qabta iyo calaamado xasaasiyad oo khatar ah.
Horbaba markii ay Milla 1 sano iyo 8 bilood jirtay waxay heshay walaal ka yar.
Waqti hore ayaan dareemay welwel ah in aanan ku filnaan doonin laba carruur ah oo yar-yar oo midi uu qabo baahi weyn oo caafimaad oo soo kordheysa iyo baahi cunto gaara ah iyo bey'o waafajin.
Dhibaatooyinku waxay noqdeen kuwo aad u muuqda, welwelkeygana waa la adkeeyay, marki Milla iyo aniga dhawr maalmood ka bacdi oo asmo laga daweynayay aannu mar kale guriga nimiday.
Waxaan u maleynayaa in walaalka yari uu ahaa 1 ½ sano iyo in isaga iyo aabbe ay jaranjarada taagnaayeen si ay noo qaabilaan.
Walaalka yar si toos ah ayuu isha iiga dhex bixiyay.
Imuu arkin.
Xisaabtaba uguma jirin ka dib markii aan mar kale caalamkiisa yar ka baxay.
Waxay ahayd wax aad u xanuun badan!
Dabcan waxay ahayd in aan shaqeeyo si aan dib ugu abuuro xiriirka, waqti badan oo dheeraad ah ayaanna siiyay intii waqti ah.
Laakiin in loo baahdo in la maareeyo cudur degdeg ah maaha wax gadaal loo dhigan karo, waxaa loo baahanyahay in meeshaas iyo waqtigaas wax looga qabto taasoo xitaa dhowr jeer dhacday.
Hooyadu waxaa laga yaabaa in ay meesha joogtay markii uu seexday si uu fiidki u seexdo laakiin subaxdi iyada iyo walaasha labaduba wey maqnaayeen mar kale.
Waxaan u baahday in aan si joogto ah ugu caddeeyo in aan mudanahay kalsoonidiisa iyo jeceylkiisa iyo in nafteydu ay si xun ee canaananeyso.
Waxaa nasiib wanaag ah in aannu lahayn shabakad ilaalo oo ka kooban qaraabo dhaw oo nagu hareereysan oo na taageeri kartay, laakiin waxaan aad u ogahay in dhammaan dadka xaalkeenna oo kale ku jira aysan taas heysan.
Maadaama ay carruurtu soo waaweynaadeen waannu ka hadalnaa dareenka iyo xaaladaha cudurka keena.
In aysan xiriir toos ah ka dhexeyn in daryeel iyo xannaano leysi siiyo iyo in jeceyl la isi siiyo, lana dareemo.
Badanaa labada qeybood qoys waa ka dhex dhacaan, carruurta oo dhan waxay dabcan u baahanyihiin xannaano iyo jeceyl.
Marka uu cudur jiro waxaa sidoo kale nolosha qoyska soo gelaya daryeelid, oo si weyn diiradda loo saari karo, una baahan kara waqti aad u badan.
Laakiin taasi kama dhigna in mid la jecelyahay in ka badan kan kale.
Waxaan u arkaa in carruurtu maanta ay xiriir wanaagsan isla leeyihiin.
Sidaas hubaal ahaan ma ay noqon lahayn haddii uusan jirin faham ah in ay caddaalad wax ahaan karaan xitaa haddii ay wuxu kala duduwanyihiin.
Waxaan u maleynayaa, rejeynayaane.
Caddaaladdu si fudud ayey carruurta ugu noqoneysaa wax sharafta la xiriira, annaaga waaweyna si fudud ayey naftu noo canaananeysaa.

/Hooyo Maritha

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson