Dareen ku muuji calaamado sawir ah

Marina waa dhif in uu doono in uu wax ka raacyo tamashleynta iyo hawlaha dugsiga ama annaga goyskayaga ama saaxiibbo ay sameynayaan.
Anigu ka hooyo ahaan waxaan ka baqayaa in ay kaligeed noqon doonto sidaas awgeed waxaan isku dayaa in aan ka dhigo in ay isku daydo in ay tijaabiso waxyaabo cusub.
Ma doonayo in ay dareento haddii ay meeli xanuuneyso oo ay sidaas darteedna aysan dadka wax ka raaci karin.
Mar waxay si adag iigu dhahday marki aan isku dayay in aan uga sheekeeyo dhammaan faa'iidooyinka ku jira in doon qoray lagu wada lagu wareego loo raaco fasalka cusub.
– Hooyo, waan ogahay in aad isku dayeysid in aad i dhiirri gelisid, laakiin cadaadis uunbaad i gelineysaa.
Marina wey ku fiicantahay in ay muujiso sida ay dareemeyso iyo sida ay ku fikireyso.
Waxaannu billawnay horbaba intii ay yareyd in aannu erayo saarno dareenka.
Mid ka mid ah wixii ugu horreeyay ee leys gelgeliyay wuxuu ahaa Muminfigurer oo tacbiirta wejiga lagu beddeli karay.
Macaamiil yar wuxuu noqon karyay mid careysan ama faraxsan ama yaabban.
Iminka waxaannu isticmaaleynaa calaamado sawir ah – annagoo farriimo qoraal ah isugu direynaa – si aannu u muujinno sida aan waxyaabaha kala duduwan ka hor dareemeyno.
Waxaan diri karaa oday aad u faraxsan ka dib micno ku aaddan in uu jawigu wanaagsanyahay iyo in ay qorraxi jirto iyo in ay fiicnaan lahayd in la soo maja baxsado (wax nuucaas ah waa dhiirri gelin).
Waxay ku jawaabi kartaa:
''Haa waa wax fiican'', laakiin waxay ku dhameyn kartaa oday afka jiitin ku leh.
Markaas waxaan calaamadda u arkayaa in jawiga wanaagsani uusan xiiso keliya lahayn.
Waxaa sidoo kale la dareemi karaa in uu shuruudo badanyahay.

/Ylva 52 sano, Marina hooyadeed

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson