Waan helay aqoonsigeyga

Ku xirnaashada dadka kale miyey la xiriirtaa in aqoonsigiisa ay isku xiranyihiin?
Haa, sidaas ayaan u arka in ay wax yihiin.
Ulama jeedo in ku xirnaashadaas ay la xiriirto in uu qofku helayo caawimaad la xiriirta xagga farsamada.
Waxay inta badan la xiriirta is qeexaadda qof ahaaneed ee qofka.
Haddii uu qofku waalidkiis u oggolaado in uu noloshiisa aad u soo dhex galo markaa qofku ma noqonayo qof goonidiisa ah.
Waxaas aad baan ugu fikirayay horbaba markii aan carruur ahaa.
Waqti hore ayaan go'aansaday in waaliddiinteydu – gar ahaan aabbe – uusan ii raacin gudaha marka aan dhakhtar la kulmayo.
Waxay ahayd hadafkeyga.
Waxaan u maleynayaa in aan ahaa 12 jir markii aan dhahay oo keliya:
– Maya, waxaan doonayaa in aan dhakhtarka kaligey la joogo.
Aabbuhu aad buu u dareemayay cadaadis iyo raaxo la'aan marka uu ila joogo booqashooyinkeyga dhakhtarka.
Badanaa waqti fiican ayaannu dhakhtarka u imaan jirnay.
Aabbe marinka ayuu ku luud-luudayay wuxuuna dabadeed billaabay in uu la dagaalo kalkaalisada caafimaadka.
Marka aannu qolka baaritaanka nimiday aad buu u buuxyay.
Waxay ahayd sida in musiib xun ay dhici doonto haddii ay soo baxdo in uu xaalkeygu sii xumaaday.
Sida in uu iga rejeynayay in aan si aad ah wax qabad fiican u lahaado, ku dhawaad in aan maaratoon ordi lahaa oo kale.
Abidkiis sidaas ma dhihin laakiin mar walba sidaas ayaa la dareemayay.
Iminka qof weyn ahaan waxaan u arkaa in ay taasi xirnaayd niyad xumada waaliddiinteyda ee cuuryaannimadeyda ku aadan, taasoo iska caddeyd in ay qabeen.
Waxay ku saabsaneyd murugo iyo cabsi.
Si aan ku fiicnaan karo waxay ahayd in aan jaro xiriirka dhaw oo aan is bixiyo marka aan dhakhtarka booqanayo.
Taas si toos ah ayey waaliddiinteydu u oggolaadeen.
Calaamatu su'aal ma ay saarin, si aad ahna isuguma ay soo ciriirinnin.
Laakiin 100 boqol ayey iga fikirayeen.
Iminka waxaan ahay qof weyn.
Waa in aan noqdaa qof gaarkiisa ah – wuxuu qofku gelayaa waji cusub.
Aadbey muhiim iigu ahayd.
Marka uu qofku cuuryaan yahay markaa waxani aad bey muhiim ugu sii yihiin.
Wuxuu qofku u baahanyahay in uu isu sheego in uu yahay qof gooni ah.
Kaligey waan is bixin karaa, waana aniga cidda go'aan ka gaareysa sida aan nolosheyda u doonayo.

/Stina, 46 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson