Ilxaaxa jooji

Waaliddiinteyda iyo dhakhaatiirtu waxay doonayeen in aan si fiican wax u cuno maxaa yeelay cudurkeygu wuxuu keenay in uu miisaankeygu si joogto ah hoos ugu dhaco.
Si is daba joog ah ayey iigu ilxaaxeen.
Aad baan ugu daalay, uguna xanaaqay ilxaaxooda ilaa aan gebi ahaanba iska joojiyay in aan wax cuno.
Dabcan waxay ahayd dabbaalnimo laakiin aad baan ugu careysnaa iyaga.
Cunto nidaamiyaheygu waxay soo jeedisay in aan qoro wixii aan dhawr maalmood cunay.
Markii aan qori lahaa waxaan markaa ogaaday in aanan ku dhawaad gebi ahaanba waxba cunin.
Waan fahmay in ay khasab tahay in aan ku fiicnaado in aan wax cuno.
Markaas waxaannu ku heshiinnay, in ay joojiyaan ilxaaxa iyo in aan billaabo in aan wax cuno.
Taasi wey i caawisay.

/Pamela, 13 sano

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson