Hooyo waa in ay dhex dhexaad ah wax u eegtaa

Waxaan jeclahay in aan saaxibbadey la dabaasho.
Waaliddiinteydu dhab ahaan taas ma jecla.
Waxay ka welwelsanyihiin in ay meesha dabaasha qabatin igula dhacdo oo aan ku garaqmo.
Laakiin waxay ogyihiin in aan ka xumaanayo haddii aan ley oggolaanin in aan sameeyo waxa ay saaxibbadey sameynayaan.
Waxaan taas ku xallinnay in qof waalid ah ay joogto oo ay i eegto marka aan dabaalanayo.
Waa wax OK ah ayaan u arkaa.
Laakiin mar aad baan hooyadey ugu carooday.
Wey i eegeysay, weyna i yeereysay, gacantana wey ii haadineysay mar walba.
Markii aan dabaasha dhammeeyay waxaan u sheegay in aan u arkay in ay sidaasi dhib badneyd.
Waxay i dhahday raalli ahaw, ka dibna dhib sidaas ahi dib uma sii dhicin.
Iminka wey fiicantahay marka ay wax ka joogto.

/Stina, 10 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson