Ka warran waxa uu canuggu heysto

Siri waan kala hadlay cudurka ay qabto, in ay qof gaar ah tahay, in maskaxdeedu ay si dadka kale ka duwan u shaqeyso iyo in ay aragto waxyaabo fara badan marka la barbar dhigo waxay ay carruurta kale arkaan taasoo keeneysa in ay ka daal badnaaneyso.
Laakiin sidoo kale in ay tahay qof aad u fiican, oo waxyaabo badan aad ugu fiican, lehna awood aad u sarreysa oo gaar ah.
Wax wey akhrin kartaa, waaney qori kartaa, waana qof aad u allifaad badan.
Waa muhiim in taas loo sheego iyada.
In aysan isu dareemin qof dadka kale ka xun iyo in ay ogaato in ay noo sheegi karto marka ay u baahantahay in ay is qariso, iyo in ay caadi ah tahay in ay u baahato in ay nasato iyadoo casharka dugsiga bartama looga jiro.
Uma sheegayo iyada waqtiyada aan daallanahay oo aanan awoodin in aan iyada dhegeysto marka ay isla hal wax si aan xad lahayn uga sheekeyneyso.
Waan neefsanayaa, waana faruurya qaniisanayaa.
Haddii aanan taas ka soo bixi karin waxaan markaa u gudbinayaa ninkeyga oo ii oggolaanaya in aan si nabad ah waxa ugu caal-waayo.
Ma doonayo in dareenkeygu uu Siri gaaro.
Marki uu u baahdana waan kala wareegayaa, waannu isu dhaadhaafeynaa.
Waxaa nasiib ah in aannu qoyska ku nahay laba qof oo waaweyn.

/Siri hooyadeed , 8 sano

Snackeboda. Bild på en "prata"

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson