Farriin taleefan oo qoraal ah ayaan waaliddiinteyda u dirayaa

Waan idin salaamay!
Annagu ka qoys ahaan waxyaabo badan ayaannu fasaxyada usbuuca sameynaa.
Fasaxan usbuuca, haddaba waxaa jira seddax waxyaabood.
Waa wax aad u badan.
Laakiin waxaan doorbidayaa in aan guriga lee iska joogo oo aanan wax sameyn.
Aniga naftirkeygu waan kala ogahay marka aan tamar aan wax ku sameeyo hayo – iyo marka aanan taa heyn.
Marka aan aad u daallanahay waxaa igu dhaca qarax aanan koontarooli karin.
Ka fikira derejooyin u dhexeeya 1 iyo 10. 10 waa tamar buuxda, 1 waa tan ugu hooseysa.
Marka ay tamartu hooseyso waxaan ka baqaa in aan is xakameyn kari waayo.
Waan ogahay naftirkeygu waxa aan awoodo, waxaanna doonayaa in aad iga caawisaan qorsheynta maalmaha usbuuca.
Wey adagtahay in aan waxan weji-ka-weji idin kagala hadlo.
Marka aannu isku hal qol ku jirno.
Marka aan arko tacbiirrada wejiga, aanna isku dayo in aan qiyaaso waxa aad ku fikireysaan markaas wey igu kacaysaa, waxaanna ka welwelayaa waxa aad u maleyn doontaan.
Ani ahaan waxaa ii fudud in aan khadka qoraallada taleefanka idinkagala hadlo waxyaabahan.
Markaas waxaa ii caddaanaya waxa aan naftirkeygu dareemayo, una arko.
Waxaanna diiradda saari karaa waxa ku yaalla jawaabta aad qoreysaan.
Waxanina sidoo kale adinka wey idiin fiicanyihiin, maadaama aadan u baahneyna in aad toos u jawaabtaan.
Waqti dheeraad ah ayaad heleysaan oo aad uga fikirtaan waxa aan ula jeedo, dhawr jeer ayaad waxa aan soo qoray ka fikir kartaan.
Laakiin taasi ma soconeyso marka aan isku waqti guriga joogno.
Markaas waxaa laga yaabaa in aadan jawaabta qorina ee aad ii timaadaan, ilana hadashaan.
Waa in ay jirto masaafo yar.
Sidaas awgeed waxaan waxa ka soo qorayaa meelo kale, dugsi ama tusaale ahaan beer dhallinyaro.
In aan isticmaalo farriin taleefan oo qoraal ah ani ahaan wey ii fiicantahay.

/Wilhelm, 17 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson